3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 9 , 2021
Guddoomiyaha Barlamaanka oo raysal wasaare Rooble ku eedeeyay inuu ku xad gudbay kala soocnaanta laamaha dowladda
 

Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Rooble in xukuumadiisu ku xad gudubtay kala socnaanta laamaha dowladda, kadib markii maanta wasiirka cusub ee amniga oo aan helin xasaanad loo dhaariyay xilka loo magacaabay.

Qoraal uu guddoomiyuhu soo saaray ayuu ku sheegay in wasiirka la magacaabay uu ansixiyay islamarkaana uu dhaariyay xubin kale oo kamid ah xukuumada, xilli uu sheegay in la baalmaray waajibaadkii uu lahaa barlamaanka golaha shacabka Soomaaliya.

Guddoomiyaha wuxuu hadalkiisa ku caddeeyay in aanu dalka ku jirin firaaq dastuuri ah islamarkaana uu barlamaanka weli sii shaqeynayo illaa iyo inta barlamaanka kale uu shaqada kala wareegayo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
9/9/2021 8:48 AM EST
Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu dhaarinaayay, islamarkaana uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.

9/9/2021 8:32 AM EST
Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii horeysay ka hadlay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsaneyd saraakiisha NISA oo sabab u noqotay dilkeeda khilaaf noocii ugu darnaa oo soo kala dhexgala Farmaajo iyo Rooble.

9/9/2021 7:30 AM EST
Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa guddoomiye Cirro ka difaacay eedaha xukuumada iyo xisbiga UCID ee ah in uu isticmaalay erayga "waxan la kulmay ergayga wadahadalada iyo dib u heshiisiinta ee Somaliland iyo Soomaaliya".

9/9/2021 7:23 AM EST
Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Madaxii Sakawaadka Alshabaab ee Deegaanka Dadaarow ee Gobolka Baay Maxamed Nur Maxamed Xuseen oo Magaciisa Afgarashadu yahay (Guudow) ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga dalka Qeybta 60aad.

9/9/2021 6:00 AM EST
Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka digay inay suuragal tahay inuu go’aansado inuu Ciiddanka Uganda ka soo saaro Soomaaliya, sababo la xiriira is-maandhaafka Siyaasadeed ee ka jira dalkaasi.

9/9/2021 5:41 AM EST
Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu ku sameeyay Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

9/9/2021 2:54 AM EST
Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka, kuwaa soo ay ka wada hadleen amniga, siyaasadda iyo geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka.

9/9/2021 1:19 AM EST
Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ee ku matalaya Hirshabeelle Baarlamaanka Soomaaliya.

9/9/2021 1:14 AM EST
Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) ku eedeeyay in uu xaqiraad kula kacay qaranimada Somaliland kadib kalmada "dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya" ee uu isticmalay.