4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 9 , 2021
Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay Kiiska Ikraan Tahliil iyo Khilaafka ka dhashay

Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii horeysay ka hadlay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsaneyd saraakiisha NISA oo sabab u noqotay dilkeeda khilaaf noocii ugu darnaa oo soo kala dhexgala Farmaajo iyo Rooble.

Sheekh Shariif oo Saxaafada kula hadlay magaalda Muqdisho ayaa ugu horeyn uga tacsiyadeeyay qoyska Ikraan Tahliil, islamarkaana sheegay in waxii dhacay ay aheyd masuuliyad darro weyn oo dalka iyo dadka ku dhacday.

“Waxaa rabaa inaa uga tacsiyadeeyo Ikraan ehelkeeda iyo qaraabadeeda, ma astaahilin in la dilo gabar Soomaaliyeed wax baratay u soo banbaxay Qarankeeda iyo dadkeeda inay u shaqeyso waajib ayay aheyd in la ilaaliyo nafteeda iyo sharafkeeda inay ka mudato hey’addii ay u shaqeyneysay ama cid xiriir la leh ama si kasta inay nafteeda weyso waa wax aad iyo aad looga xumaado waaye waana arrin runtii aan la aqbali karin aad iyo aad u foolxun muujineysa mas’uuliyad darro aad u weyn marka waxaa leenahay gabadhaas waa in ay cadaalad heshaa, waa in cida mas’uulka ka aheyd la horkeenaa cadaaladda, qofka hay’addaha amniga u shaqeeya hadduusan nabad helin qof kalena nabad ma helaayo”ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Isagoo sii hadlaayay Sheekh Shariif waxuu sheegay in kiiska Ikraan Tahliil uu ka dhashay khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha, kaasoo sababay wadashaqeyn la’aanta ka dhaxeyso hay’adaha Amniga, isagoona sheegay inaan la aqbali karin in qofwalba sharciga dalka sida uu rabo ka yeesho.

"Waa nasiib darro khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, wuxuuna aad u niyad jebinayaa dadka Soomaaliyeed, oo rajada ka qaba in dowladnimada horay u sii socoto iyo dadka taageera Soomaaliya 30-kii sano oo filaayay inay cagahooda ku istaagaan dowladnimadu baahdo, khilaafkan wuxuu caqabad ku yahay qabsoomida doorashooyinka oo mar kasta ay sii daahaan ay soo bixi karaan dhibaatooyin cusub oo keeni kara doorashooyinka in aanay u qabsoomin sidii loogu tala galay. Waxaa leeyahay Madaxda Qaranka, mas’uuliyad weyn idin saaran, haku gabagabeynina dagaal iyo khilaaf ee ku gabagabeeya in aad gacanta is qabsatiin khilaafkiina xalisatiin doorashada sida loogu tala galay ay u socoto dhinaceena waxaa diyaar u nahay wax kasta oo keeni kara is faham iyo isu tanaasul, in hey’adaha amniga ay wada shaqeeyaan so doorashooyinka ay u qabsoomaan" ayuu yiri Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]