4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 9 , 2021
Guddiga Hirgelinta Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay Jadwalka Doorashada Aqalka sare
 

Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ee ku matalaya Hirshabeelle Baarlamaanka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyay in diiwaangelinta Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare maanta oo Khamiis ah ay bilaabaneyso kuna egtahay maalinta Sabtiga ah maadama la sheegay in Musharaxiinta ay aad u badan yihiin.

Waxaa sidoo kale guddiga ay sheegeen in maalinta axada ah oo ku beegan 12-ka bishan Septembar Musharaxiinta laga dhageysan doono hadal jeedintooda, islmarkaana 13-ka ilaa 15- bishana ay qabsoomi doonto doorashada tartanka Musharaxiinta Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Doorashada Aqalka sare ee Hirshabeelle ayaa noqoneysa doorashadii ugu Musharaxiinta badneyd waxaana 8-da kursi ee deegaankaasi lagu dooranaayo ku wada tartami doono ilaa 33 Musharax, waxaana la sheegaya in kursiga tartankiisa ugu adag yahay inuu noqon doono kursiga Senatar Muuse Suudi oo ay ku wada tartamayaan ilaa 5 Musharax.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]