4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo ka hor yimid xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha
 

Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka.

“Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaasha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Warkan wuxuu soo baxay markii Ra’iisul wasaare Rooble, uu wasiirka amniga gudaha u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo xiriir dhow la leh siyaasiyiinta iyo golaha mucaaraadka ee diiddan siyaasadda Madaxweyne Farmaajo.

Khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo  Ra’iisul wasaaraha ayaa soo shaac baxay toddobaadkan, arrintaa oo salka ku heysa hoggaanka Hay’adda sirdoonka, qoraallo iska soo horjeeda ayaa labada xafiis baahinayeen. Xaaladan ayaa mar kale murjinaya iskudayadii lagu doonayay in Dalka doorasho ka dhacdo.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online