4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalka
 

Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray masuuliyiinta ayaa la sheegay in looga hadlay sidii loo xoojin lahaa amaanka guud ee dalka, ilaalinta xaquuqda Muwaadinka Soonaaliyeed, amniga doorashooyinka iyo waliba dardargelinta howlgalada lagula dagaalamaayo Al-shabaab.

Kulanka dhexmaray Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ayaa kusoo beegmay waxyar uun ka hor xili uu soo idlaaday kulan gaar ahaa oo dhexmaray Rooble iyo taliyaha KMG ah ee hay'adda Nabadsugida Qaranka, hogaanka Maxkamada ciidamada Qalabka sida iyo taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliiska gobolka Banaadir.

Raysal wasaare Rooble ayaa faray dhamaan masuuliyiintii uu kulanka la qaatay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil si cadaalad loogu helo.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xili khilaaf adag uu soo kala dhexgalay Rooble iyo Farmaajo kadib shaqo joojintii uu Rooble ku sameeyay taliyahii hay'adda Nabadsugida Fahad Yaasiin, islamarkaana Farmaajo uu ka horyimid shaqo joojinta lagu sameeyay Fahad Yaasiin, isagoona faray Fahad inuu shaqadiisa sii wato.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]