4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2021
Guddoomiyaha beelaha Dir oo baaq nabadeed u diray beelo ku dagaalamaya gobolka Hiiraan
 

Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guud ee beelaha Dir  Suldan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo muuqbaahiyaha Saab kula hadlay xafiiska beesha ee magaalada Hargaysa, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya deegaanada Kabxanlay iyo Deefow ee gobolka Hiiraan.

"Waxan halkan usoo fadhiistay arrinta gobolka Hiiraan gaar ahaan Deefow iyo Kabxanlay, ee dadka walaalaha baryahanba colaadoodu baraha bulshada taagantahay, dadna ku dhinteen, dadna ku dhaawacmeen, aniga oo ah guddoomiyihi beelaha Direen waxaan baaq nabadeed halkan uga jeedinayaa arrintaa" ayuu yidhi  Suldan Dhawal.

"Waxan soo jeedinayaa in xabada iyo dagaalka la joojiyo, in gole nabadeed lagu soo noqdo, in wada hadal la galo, hadaanu nahay beelwaynta Direed na waxaanu balan qaadaynaa in aanu howsha iyada ah qayb laxaadle ka qaadano walaalnimada iyo wada jirka howshaa " ayuu hadalkiisa ku daray Suldan Dhawal.

Suldaanka oo ku hadlayay afka guud ee beelaha Dir ayaa sigaara baaq ugu diray Ugaaska Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wuxuuna ka codsaday in uu xil iska saaro daminta colaadaa madaama oo uu isagu ku sugan yahay gobolka dhibku ka dhacay.



Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]