4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2021
Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Kabxanleey ee gobolka Hiiraan
 

Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ee dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal aad u xoogan oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed.

Dagaalkan u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed ayaa salka ku haayo dilal la xariiray aanooyin qabiil oo todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Kabxanleey, kaaso loo geystay dad beeraleey ahaa xili ay ku guda jireen tacbashada beerahooda.

Dagaalka maanta ka dhacay deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan dhinaca Waqooyi ilaa 35 KM ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay 5 ruux oo isugu jira dhinacyadii ku dagaalamay deegaanadaasi iyo dhaawaca in ka badan 10 ruux.

Deegaanada maanta uu ka dhacay dagaalka waxaa maalmahii lasoo dhaafay laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul dagaal iyo odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda labada beelood oo waday waan waan looga hortagayo dagaalka maanta dhacay ay ku guul dareysteen baajinta dagaalka u dhaxeeya beelaha Dir iyo Xawaadle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]