4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2021
Jubbaland oo taageertay go'aankii uu raysal wasaare Rooble shaqada kaga joojiyay Fahan Yaasiin
 

Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Jubbaland ayaa soo dhoweysay tallaabadii uu raysal wasaare Rooble shaqada kaga joojiyay taliyihii hay’adda NISA, Fahad Yaasiin, inkastoo madaxweyne Farmaajo uu ka horyimid.

Jubbaland waxay sheegtay in ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee uu kaga jawaabayay codsiyadii lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayd sarkaalad ikraan Tahliil.

Jubbaland waxay sidoo kale cambaaraysay tallaabada uu madaxweyne Farmaajo kaga horyimid go’aanka raysal wasaare Rooble, waxayna ku eedeeyeen inuu xagal daacinayo dadaalka raysal wasaaruhu ugu jiro in qoyska Ikraan Tahliil caddalad ay helaan.

Jubbaland waxay sheegtay in raysal wasaare Rooble uu masuul ka yahay hirgalinta qorsheyaasha amni ee dalka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online