4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 5 , 2021
Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin
 

Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxa uuna si KMG ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa  faray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida inuu baaro kiiska Ikraan Tahliil Faarax,  isla markaana uu horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh.

Halkaan ka Aqriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble :-



Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online