4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 5 , 2021
Maamulka hay'ada Al-huda oo ka jawabay eedihii macalin Baashe
 

Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Hay'ada Al-huda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eediihii macalin Baashe Aadan Haybe, ee ahaa in hay'ada oo uu la shaqaynayay mudo 15 sano ahi, ay u maleegtay shirqool dil ah, si aanu u helin xaquuq uu ku yeeshay mudadii uu la shaqaynayay  oo uu doonayay in la siiyo.

Cabdinaasir Iid Maxammed, oo ah guddoomiyaha fulinta ee hay'ada Al-huda, oo ka jawaabay eedaha macalinka ayaa sheegay in macalin Baashe, uu ku doodayo hadalo iska hor imanaya, wuxuuna sheegay in uu wasaarada shaqalinta u sheegay in gaadhi Vitz ah lagu jiidhsiin gaadhay xaafada Haf London, lakin uu Noah u badalay markii uu shalay Eryal u waramayay.

"Wasaarada ayaa isku kaayo keentay kadib anaguna waxaanu soo dhignay arrin sumcad dilis ah oo uu ka qoray dugsiyada yada, kadib isaguna wuxu yidhi mar hadii arrinta meesha la keenay, aniga waxa habeen hore la i jiidhsiin gaadhay gaadhi Vitz ah, xaafada Haf London anigoo maraya, kadibna niman ayaa kasoo dagay oo i garaacay" ayuu yidhi guddoomiyuhu.

"Maalinta hore wuxu sheegtay in gaadhi Vitz ah la jiidhsiiyay, xaafaduna ay ahayd Haf London, markii danbena wuxu sheegay gaadhi Noah ah in la jiidh siiyay, dabadeedna Alle ka bad baadiyay, oo 4 nin oo xoog waa wayni kasoo dageen dabadeedna ay ku tunteen" ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyuhu.

Hadaba guddoomiyaha ayaa sheegay in hay'ada Al-huda anay ka suuroobin in ay falalkaas oo kale ku kacaan" umada wuxu u bandhigay wax xaqiiqada ka fog, cid dishayna ma jirto, Al-huda na dadka ma disho, mafiyana maaha dad intay budhcad sameeyaan dadka ku hadidana maaha".

Macalin Baashe Aadan Haybe, oo sida uu sheegay mudo 15 sano ah ka shaqaynayay dugsiyada Al-huda, ayaa hay'ada Al-huda ee dugsiyadaas maamusha ku eedeeyay in ay u adeeg sadeen dad dila kadib markii uu ka dacweeyay wasaarada shaqo galinta, si uu uga helo xaqii uu ku yeeshay mudada  uu la shaqaynayay.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]