4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 5 , 2021
Guddiga Doorashooyinka heer Fedaraal oo soo saaray Jadwal cusub oo la xiriira doorashooyinka dalka
 

Axad, September, 5, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa soo saaray jadwal cusub oo la xariira doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo xubnaha ka haray Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in doorashada Aqalka sare loo qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo 18-ka bishan Septembar, islamarkaana 25-bishan laguda galayo diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Waxay guddiga sheegeen in 1-da bisha October ay bilaabaneyso doorashada Xildhibaanada golaha shacabka, islamarkaana lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November ee sanadkan.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa dhowr jeer waxaa ay soo saareen jadwal doorasho, kaas oo aan dhaqan gelin, waxaana weli jira caqabadihii dib u dhigay doorashooyinka dalka, kuwaas oo xal ka gaaristiisa ay ku howlan tahay Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Raysal wasaare Rooble.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]