4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 4 , 2021
Ciidamada Kenya oo fashiliyay weerar Alshabaab ku qaadi rabeen tuulada Kutulo oo katirsan Mandhera
 

Sabti, September, 4, 2021 (HOL) - koox katirsan Al-Shabaab oo watay mootooyin, ayaa saakay weerar gaadmo ah ku qaaday askar ka tirsan kuwa amniga Kenya xilli ay roondo ka wadeen Gobolka Kutulo ee degmada Mandheera.

Sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka, ciidanka Kenya ayaa iska caabiyay weerarka Alshabaab, waxayna ka furteen Alshabaab shan qori oo AK 47 ah, rasaas iyo suuman.

Sida uu sheegay Taliyaha Gobolka Waqooyi Bari, ciidamada amniga wax khasaare ah kama soo gaarin weerarka.

"Waxay u muuqatay in argagixisadu ay qorsheynaysay inay weerar culus ku qaado Kutulo, waana la fashiliyey", ayuu yiri Taliyaha Booliska Mandheera, isagoo dadka deegaanka ka codsaday inay la wadaagaan xogta ku saabsan dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

Tan iyo bilowgii sannadkan, deegaanka Kutulo waxaa ka jiray dhaqdhaqaaqyo Al Shabaab ay sameynayeen, si ka duwan sanadihii hore taas oo loo aanayn karo dadaalka wadajirka ah ee ay sameeyeen hay’adaha amniga Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online