4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Xildhibaanno katirsan Hirshabeelle oo ku dhaawacmay weerar Bombaano oo ka dhacay Jowhar
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Wararka nagasoo gaaraya magaalada Jowhar, ayaa sheegaya in caawa halkaas uu ka dhacay weerar Bombaano oo lagu weeraray guri ay deganaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle.

Saddex kamid ah xildhibaannada ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen weerarkan oo ka dhacay xaafadda Hantiwadaag, illaa iyo haddana lama oga in dhaawacoodu culus yahay iyo in kale.

Dableydii ka dambeysay weerarkaan ayaa goobta isaga baxsaday. Mana jirto cid illaa iyo hada sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Alshabaab ayaa horay weeraro nuucaan oo kale ah uga geysatay magaalada Jowhar, kuwaas oo ay ku dhinteen xildhibaanno iyo saraakiil ciiddan.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Jowhar ay ku sugan yihiin Musharaxiin, siyaasiyiin iyo dad kale oo qeyb ka ah ololaha loogu jiro doorashada Aqalka sare oo dhawaan halkaas ka billaabanaysa.
    
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online