4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 3 , 2021
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo si kulul uga jawaab celiyay warka NISA kasoo baxay ee ahaa in Ikraan Tahliil ay dileen Al-shabaab
 

Jimco, September, 3, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga falceliyay hadalka kasoo yeeray hay'adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed ee ahaa in Ikraan Tahliil ay dileen Al-sbabaab.

Siyaasiga ayaa sheegay in warka kasoo baxay NISA uusan aheyn mid maangal ah oo la qaadan karin in Al-shabaab ay ka dhex afduubtaan xarumaha dowladda saraakiil ka tirsan Nabadsugida Qaranka.

"Maangal ma aha in Ikraan Tahliil oo in ka badan labo bil la waysanaa maanta Al-Shabaab loo saariyo. Al-Shabaab dad dila am qarxiya waa la arkay, laakiin horay uma dhic in Al-Shabaab saraakiil nabadsugid ah ka dhex qafaashaan xarumaha dowladda. Waxaase yaab leh in NISA aysan ka warqabin afduubka Ikraan, laakiin ay dilkeeda ogtahay. Tani waxay caddeyn u tahay wadashaqaynta hay’adda Nabadsugida iyo Al-Shabaab. Waxay kaloo digniin culus u tahay in aysan jirin cid caawa ka badqabta in ay gacanta Al-Shabaab gasho ama xarumaha Dowladda loogu yimaado. Waxaa kaloo iyadana akhlaaq xumo ah in kiis miisaankaas leh looga hadlo fariin facebook lagu soo daabacay"ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay afar qodob oo uu sheegay in looga baahan yahay inuu sameeyo Raysal wasaare Rooble si ehalka Ikraan Tahliil iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga qancaan kiiska Ikraan Tahliil ayaa kala ahaa.

"Maadaama uu masuuliyada dalka, gaar ahaan Amniga uu masuul ka yahay, caawa indhaha Soomaalida oo dhami waxay ku jeedaan tillaabada uu qaado Raysalwasaare Rooble. Waxaan u soo jeedinayaa. 

1- In uu la fariisto, jawaab u qalanta siiyo waalidka Ikraam Tahliil.
2- In uu badbaadiyo kalsoonida iyo aaminka lagu qabo Hay’adda Nabadsugidda.
3- Si taas u dhacdana waa in uu xilka ka qaado taliyaha Nabadsugidda, lana baaro kaalinta uu arrinkaan ku lahaa, lana xannibo dhaqdhaqaaqiisa inta uu baaritaanka socdo.
4- In Baaritaanka uu sameeyo guddi khubaro oo si toos ah xafiiska RW  u hoos taga, si maalinle ahna ugu warbixiya." ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Qoraalkan kasoo baxay Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya xili hay'adda NISA ay shaacisay in Ikraan Tahliil ay dileen Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]