4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Faysal Cali Waraabe "Kuwa Xamar tagay ayaaba inaga fir fircoon"
 

Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ku andacooday in rajo la'aan soo waajahday shacbiga Somaliland, ay sababtay in la yidhaa doorashadii Somaliland ayaa Xamar ka dhacaysa.

Faysal ayaa sheegay in doorashada Xamar ka dhacaysa, ay dooranayaan dad aan la garanayn oo waliba, lagu tar tamayo, waxaanu sheegay in doorashooyinkani ay ka dar dar badanyihiin kuwii hore.

"Waad aragtaan waxa ka socda Muqdisho, doorashadii aqalka sare ee Somaliland, ayaa ka socota, yaa dooranaya? Salaadiin aynaan aqoon baa dooranaya, halkee lagu dooranayaa?, Xamar, imika wuxii Xamar tagay ayaaba inaga fir fircoon, barigii hore waa layska tagi jiroo lama ogaan jirin, waa lagu tartamayaaba maanta" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in doorashada Xamar ka dhacaysa ay muujinayso, niyad jab ay qabaan shacabka Somaliland, wuxuuna intaa ku daray in Somaliland uu ku socdo dagaal lagu doonayo in lagu sumcad dilo.

"Waxay ku tusaysaa in shacabkii reer Somaliland niyad jab ku dhahay, shacabka niyad jabka ha laga daayo oo dowladu rajo ha u abuurto, rajo ayuu dadku ku noolyahay, fursad fiican baynu haysana, doorashadii inoo dhacday ayaa lala dagaalamayaa, waad aragtay dadkiiba lagu laynayaa Laascaanood" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in loobahanyahay in amaanka gacan adag lagu qabto; isla markaana, dadka rajo loo abuuro.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]