4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo u hambalyeeyay Senatarada maanta lagu doortay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa fariin hambalyo ah u diray lix ka mid ah Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya gobolada Waqooyi ee Somaliland oo maanta lagu doortay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

"Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland) ee kala ah:- Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Saalax Axmed Jaamac, Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar, Cismaan Abokor Dubbe,  Layla Axmed Ismaaciil, Bilaal idiris Cabdullaahi. Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen. Waxaan rajeynayaa in doorashadu noogu dhammaato si nabdoon oo hufan" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Doorashada maanta ka dhacday Teendhada Afisyooni ayaa noqotay mid si weyn uga duwaneed doorashooyinkii horay uga dhacay maamulada qaar, taaso shacabka Soomaaliyeed si aad ah u hadal hayaan gaar ahaan baraha bulshada ayaa lagu dhex wareejinaya sawirada ergada codeyneysay oo la arkaayay intooda badan soo xirtay wajiyada si aanan loo aqoonsan, taasoo lagu macneeyay cabsi ay ka qabaan in la dhibaateeyo marka ay ku laabtaan deegaanada  Somaliland.

Kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ayaa tiro ahaan ka kooban 11 kursi waxaana maanta si rasmi ah loo doortay lix kursi, waxaana hartay ilaa shan kursi oo doorashadooda lagu wado iney dhacaan maalinta berito ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]