4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Wajigii koowaad ee doorashada xildhibaannada aqalka sare ee gobolada waqooyi oo lasoo gabagabeeyay


Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Doorashada lix kursi oo ah kuraasta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi (Somaliland), ayaa maanta lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyihii aqalka sare, wasiirka warfaafinta iyo wasiirka dastuurka ee xukuumadda xil gaarsiinta, ayaa dhammaantood kusoo baxay doorashadan, waxayna noqdeen sanataro cusub.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee ku guuleysta xubinnimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ka dib markii uu tanaasulay musharraxii la tartamayay ee Saciid Cumar Xuseen.

Wasiirka dastuurka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa ku guulaystay kursiga labaad, kadib markii uu ka gulaystay musharraxii kula tartamayay Ibraahim Iidle Saleymaan.
 
Wasiirka Dastuurka ayaa helay 29 cod, halka Ibraahim Iidle     Suleymaan oo ah guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee Soomaaliya oo xilkaan kula tartamayay uu helay 12 cod.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo aqoon-yahan Soomaaliyeed ah ayaa ku guuleystay xubinnimada kursiga saddexaad ee Aqalka Sare, ka dib markii uu kursigaas kaga guuleystay Prof. Maxamed Maxamuud Alla-bari.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu helay 25 Cod, halka Prof. Maxamed Maxamuud Allabaria uu helay 21 Cod

Kursiga 4-aad waxaa ku guulaystay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe oo noqday xubin katirsan Aqalka sare, dib markii uu ka guuleystay murashaxii la tartamayay ee Cabdikariin Maxamed Xasan.

Cismaan Dubbe ayaa helay 28 cod, halka Cabdikariin Maxamed Xasan uu helay 17 cod.

Layla Axmed Ismaaciil oo kamid ahayd musharraxiinta dumarka ka socday, ayaa ku guuleysatay kursiga shanaad ee Golaha Aqalka Sare, ka dib markii uu u tanaasulay murashaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Cabdi.

Layla waxaa hab gacan taag ah ugu codeeyay ergada dooraneysa murashaxiinta, waxa ayna heshay 39 cod.

Bilaal Idiris Cabdullaahi ayaa ku guulaystay kursigii lixaad ee ugu dambeeyay kuraasta maanta lagu tartamayay, wuxuuna kaga guuleystay Saynab Axmed Boqorre oo la tartantay.

Bilaal waxa uu helay 37 cod, halka Saynab ay heshay 8 cod.

Maalinta berrito ah ayaa sidoo kale waxaa dhicidoona doorashada shanta kursi ee harsan.

Dhinaca kale, Ergada doorashada ayaa maanta coddeynayay iyagoo wajiyada u xiran yihiin, waxaana loo sababeeyay  amnigooda, cabsi laga qabo in la beegsado doorashada kadib  sida ku dhacday ergooyinka doorashadii 2017.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online