4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii hay'adda waddooyinka Puntland
 

Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka dowlad goboleedka Puntland, Cabdulqaadir Cali Xirsi.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in loo arkay tallaabada xil ka qaadista, baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Puntland.

Madaxweyne Deni wuxuu si kumeel gaar guddoomiyaha hay'adda ugu  magacaabay, Cabdirisaaq Maxamed Xayir oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.

Xilka ka qaadistaan ayaa kusoo aadaysa kadib markii guddoomiyaha hay'adda uu sheegay in wasaaraddaha maaliyadda, qorshaynta iyo howlaha guud ay si sharci darro ah kula wareegeen shaqadii hay'adda u idmanayd, taasoo keentay in hay'addu noqoto mid shaqadeedii uu cuuryaamo oo ugu dambayn laga jarto korantadii.

Guddoomiyihii hore ayaa dood adag ka keenay mashaariic dhismayaasha waddooyinka ah oo ay fulinayaan saddexda wasaaraddood, wuxuuna sheegay in ay barlamaanka ugudbiyeen dacwad, balse waxba laga qaban waayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online