4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Xildhibaan Guruuje oo ka warbixiyay weerarkii uu u gaystay Suldaan Saleebaan
 

Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje) oo ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland, oo saaka uu dhaawac u gaystay Suldan Saleebaan Boqor Cismaan, oo kamid ah madaxda dhaqanka Somaliland, ayaa sheegay in suldaanku uu weerar gaadmo ah u gaystay isla markaana, uu meelo kala duwan ka dhaawacay.

"Saaka 9:00am aniga oo ku socda shaqo aanu ku lahayn golaha wakiilada, oo maraya Xarunta Gobolka Maroodijeex, oo aan telefoon ku hadlayo, ayaa ninka la yidhaa Saleebaan Cismaan oo maalin dhawaydna iga weeraray warbaahintu iga daba yimid, kadibna hangool uu sitay ayuu halkaa qadaadka danbe igaga dhuftay anoo sii jeeda oo aan arkaynin" ayuu yidhi Guruuje.

"Markii aan kusoo jeedsadayna laba jeer oo kale ayuu ii taagay (igu dhuftay), halka nabar ayaa iga gaadhay (gacanta midig) marlabaadna gacantaas (gacanta bidix) ayuu ku  burburay hangoolkii, markii intaasi dhacday dadkii ayaa nagu soo ururay isna meeshi ayuu ka carararay, hangoolkii oo jaban iyo warbixintiina waxan geeyay Saldhiga Dhexe ee Hargaysa" ayuu hadalkiisa ku daray.

Guruuje ayaa sheegay in Suldaan Saleebaan uu dil toogasho ah ugu hanjabay, hanjabaadaas oo uu u gudbiyay ciidamada amaanka.

"Dil iyo xabad ayuu iigu hanjabay, oo wuxuu yidhi xabad baan kugu dhufanayaa, arintaana hay'adaha sharciga ayaan ku wargaliyay" ayuu yidhi Guruuje.

Xildhibaanka ayaa sheegay in lagu daweeyay Isbitaalka Wayn ee Hargaysa, isla markaana ay xaaladiisu hada wanaagsantahay marka laga yimaado woxogaa dawakhaad ah oo uu dareemayo dhiig badan oo ka yimid awgeed.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]