4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Xiisad dagaal oo ka taagan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan
 

Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Galmudug ay la wareegeen barkoontarool oo lagu qaado lacagaha canshuurta ah oo ku taala degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada la wareegay barta koontarool ee degmada Matabaan ayaa la sheegay iney ka gadoodeen mushaar la'aan ayaa si xoog ah kula wareegay barta koontarool ee canshuuraha looga qaado gadiidka isaga kala goosha gobolada Koofureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka.

Odayaal iyo waxgarad ku sugan degmada Matabaan ayaa bilaabay dadaalo ay ku doonayaan iney ku qaboojiyaan xiisad dagaal oo maanta laga dareemayo degmada oo salka ku haysa maamulka kastanka lagu qaado canshuuraha degmada Matabaan.

Maamulka Galmudug ayaa gadiidka isticmaala wadadaasi canshuurta uga qaada degmada Matabaan, waana isha dhaqaale ee ugu weyn ee maamulka Galmudug.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamo hubeysan la wareegaan barta lagu qaado canshuuraha ee degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waana degmada kaliya ee maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle isla maamulaan, taaso marwalba sababta is qabqabsi la xariira dhinaca dhaqaalaha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]