4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika
 

Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan oo burcad Koofur Afrikaan ah ayaa xalay goobtiisa ganacsi waxay ku dhex dileen muwaadin Soomaaliyeed iyo gabar u dhalatay dalka Koofur Afrika oo u shaqeyneysay.

Ganacsadaha Soomaaliyeed ee xalay lagu dilay dalkaasi ayaa magaciisa lagu soo koobay Axmed, kaasoo lagu dilay deegaanka lagu magacaabo Ga-Mawa Block 7 oo udhaw magaalada Tzaneen oo ka tirsan gobolka Limpopo ee dalkaasi Koofur Afrika.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in xiliga dilka uu dhacayay dhalinyaro kale oo Soomaali ah oo ku sugnaa dukaanka ay cagahooda kaga baxsadeen burcada, waxayna dilka kadib qaateen lacago farabadan iyo agab kale oo dukaanka yaalay.

Booliiska dalka Koofur Afrika ayaa dilka kadib gaaray goobta lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed iyo gabarta Koofur Afrikaanka ah, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay goobta oo ay burcada isaga baxsadeen, mana jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankooda.

Koonfur Afrika waxaa si joogto ah uga dhaca dilalka loo geeysanayo ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo ilaa iyo hada aysan jirin talaabo looga hortagayo dilalkaas oo ay qaadeen dowladaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo marwaliba sheega iney wax ka qabanayaan dhibaatada loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]