4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 28, 2021
Madaxweynaha Jubbaland " Raysal Wasaaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax banneeyo"
 

Talaado, September, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ka hadlaayay madal dadweyne oo ka dhaceysay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulankan dadweyne waxaa ka qeybgalay xubno katirsan labada  gole ee dowlad goboleedka Jubbaland odayaasha dhaqanka, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala ee bulshada, waxuuna madaxweynaha Jubbaland kaga warbixinaayay arrimo kala duwan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa diirada ku saaray khudbadiisa dhinacyada Siyaasada, amaanka,  masuuliyada Raysal Wasaaraha ee arimaha doorashooyinka, kiiska Ikraan iyo abaaraha ka jira qeybo kamid ah maamulka Jubaland.

“Ra’iisul Wasaaroow, masuuliyadda aad ummadda u hayso way caddahay annaguna waan ku garab taaganahay ee dalkan ka hirgali doorasho xor ah oo aan mindida daabkeeda lagula haysanin”

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale tlmaamay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo heshiisyadii la wada gaaray .

” Mawqifka Jubbaland ee Doorashooyinka waa in dhammaan la ixtiraamo heshiisyadii la wada galay, Ra’iisal Wasaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax banneeyo isagaa wadanka masuul ka ah mindi daabkeeda la haysto RW Rooble waxba Kama qaban karo haloo madax banneeyo shaqadiisa” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kiiska la xiriira sarkaalad Ikraan Tahliil, isagoona sheegay in lagama maarmaan ay tahay cadaalad u raadinta gabadhaasi, waxaana xusid mudan in kiiskaasi uu sabab u noqday khilaaf noocii ugu xumaa oo soo kala dhexgala madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]