4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 28, 2021
Taliska booliiska gobolka Nugaal oo ka hadlay fal dil ah oo ay geysteen ilaalada madaxweynaha Puntland
 

Talaado, September, 28, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka booliiska gobolka Nugaal, gaashaanle sare Maxamed Aadan Jaamac, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin geerida gabadh dhalinyaro ah oo xalay ku geeriyootay rasaas ay fureen ciiddanka madaxtooyada Puntland.

Taliyaha ayaa sheegay in ciiddanka madaxtooyada oo xalay galbinayay madaxweynaha Puntland oo safar ka yimid, ay ka shakiyeen gaari nuucada raaxada ah oo ay la socotay marxuumada.

Wuxuu sheegay in ay ciidamadu rasaas ku fureen gaariga kadib markii darawalka oo ahaa nin dhalinyaro ah oo hadda la xiray, uu sasay, gaarigana uu u soo kaxeeyay xagga ciidamada.

“Arrintan waxay ahayd arrin si negligence ah (Dayacaad) ah ku dhacday. Ninka gaariga waday illaa iyo hadda waxaan fahmi la’nahay, sababta uu ciiddanka ugusoo orday iyo inuu sasay. Gaariga ayuu xoog leebarka u qabtay, xagga ciiddanka ayuu usoo orday, ciidankuna rasaas ayay huwiyeen, iyagoo ka taxadaraya inuu yahay qolyaha dhagar qabayaasha Alshabaab,” ayuu yiri taliyaha booliiska Nugaal.

Gaashaanle sare Maxamed Jaamac Degel wuxuu sheegay maamulka Puntland inuu qaatay masuuliyadda geerida gabadha islamarkaana haatan laga heshiiyay in qoyskeeda la siiyo Mag.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]