4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 28, 2021
Raysal wasaare Rooble: Kuwa ka dambeeyay kiiska Ikraan Tahliil mar dhow cadddaalada ayay kasoo muuqan doonaan

Talaado, September, 28, 2021 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen rooble ayaa sheegay in si degdeg ah sharciga loo horkeenidoono kuwii ka dambeeyay kiiskii Ikraan Tahlii Faarax, lana marsiindoono caddaalada.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay inuu kiiskaan u xilsaaray maxkamadda ciiddamada qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo faray in ay si degdeg ah jawaab uga keento Kiiska Ikraan Tahliil.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in aan u taaganahay caddaalada, dhammaanteen caddaalada ayaa ina deeqda. Walaashey, gabadhayda Ikraan, caddaalad way helaysaa,” ayuu yiri Rooble.

Wuxuu sheegay in ay sugayaan go’aanka maxkamadda milatariga oo uu sheegay in loo madax bannaaneeyay sidii ay uga gun gaari lahayd baarista cidda ka dambeysay kiiska Ikraan Tahliil.

 “Waxaan u taaganahay cadaaladda kuwa dhibka u geystay Ikraan Tahilil ama maanta aan helno ama berri aan helno gacanta shacabka ayay soo geli doonaan, waana lala xisaabtami doonaa, qalbigiinna kheyr u sheega" ayuu sii raaciyay yiri Rooble

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu maanta ka qeyb galayay kulanka khudbad jeedinta musharraxiinta aqalka sare ku matalaya gobolada waqooyi ee Somaliland.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online