4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 28, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Kismaayo
 

Talaado, September, 28, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Xalay jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaasoo ka dhacay goob maqaaxi ah oo loo nasiino tago laguna magacaabo Xeebta Cagaha Geli.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, islamarkaana ay ku geeriyoodeen laba ruux iyo dhaawaca shan kale oo la geeyay Isbitaalka magaalada Kismaayo.

Qaraxa kadib waxaa goobta tagay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Jubbaland, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgalo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxa, walow aysan suurta galin iney gacanta kusoo dhigaan dadkii qaraxa ka dambeeyay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]