4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 27, 2021
Taliyaha Ciidamada Lugta dalka Uganda oo maanta Muqdisho kulamo kula qaatay Farmaajo iyo Rooble
 

Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Lugta dalka Uganda Lt. Genaral Muhoozi Kainerugaba iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Uganda oo uu hogaaminaayay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxayna si gooni gooni ah kulamo ula kala qaateen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.

Genaral Muhoozi ayaa la sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo, inkastoo aanan saxaafada loo soo bandhigin waxyaabaha ay kawada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha ciidamada Lugta dalka Uganda.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Taliye Muhoozi, islamarkaana uga mahadceliyay kaalinta ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM ay ka qaataan wadashaqeynta kala dhaxeysa ciidamada dowladda Soomaaliya.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba oo booqasho ku yimid Muqdisho, ayaa uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga xafiiska Raysal wasaare Rooble.

Socdaalka Taliyaha ciidamada Lugta dalka Uganda uu maanta ku yimid magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Soomaaliya, lamana ogo in socdaalka taliyaha Lugta Uganda inuu qeyb ka yahay dhexdhexaadinta labada masuul ee khilaafkoodu gaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana xusid mudan in madaxweynaha dalka Uganda uu horay u sheegay hadii is xalin waayaan madaxda dalka Soomaaliya inuu ciidamadiisa kala bixi doono Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]