4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 27, 2021
Wasiir Jamaal : Sida ay u dhaqmayaan madaxda Puntland dani uguma jirto shacabka Puntland
 

Isniin, September, 27, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay hoos usii socdaan mashaariicda ka socota Puntland, taasoo uu sheegay in ay ugu wacan tahay sida ay madaxda Puntland u dhaqmayaan.

Wasiirka qorshaynta ayaa sheegay Puntland in aanay wax dan ah ugu jirin khilaafka dowladda federalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay taasi in ay dhaxalsiisay in ay ka maqnaato goobaha lagu jaangoynayo mashaariicda horumarinta dalka.

Wasiir Jmaal waxa uu sheegay inuu ogyahay wasiir katirsan Puntland in shaqada laga ceyriyay sababta uu uga qeyb galay shir Zoom oo looga hadlayay arrimaha kalluumaysiga Soomaaliya.

“Puntland kama qeyb qaadan ciidamada la tababarayo, kama qeyb qaadan ardayda waxbarashada loo dirayo, Puntland waxay diiday shirarkii dastuurka ee lagu qaban lahaa Garowe, ma isweydiiseen sababta waxaas oo dhan loogasoo horjeedo?,” ayuu yiri wasiirka qorshaynta Soomaaliya.

Wasiirka qorshayntu wuxuu iska fogeeyay inuu hor istaagay hal mashruuc oo Puntland leedahay, wuxuuna tilmaamay sababta mashaariicda uga maqan yihiin Puntland, in ay tahay, madaxda Puntland oo diiday in ay wax la qeybsadaan dowladda dhexe.

Ugu dambayn. wasiir Jamaal wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland in ay ka qeyb ka ahaadaan wixii magaca Soomaaliya lagu keeno, si ay qeybtooda uga helaan ama haddii kale aanay cidina ku eedayn wiixi ka yimaada maqnaashaheeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online