4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 26, 2021
Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Gedo
 

Axad, September, 26, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xalay saqdii dhexe diyaaradaha dowladda Kenya ay ka geysteen duqeymo deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq.

Diyaaradaha Kenya ayaa la sheegay iney duqeymaha ka geysteen deegaanada kala ah Warbeele, Buralaha, Golgola Cali iyo Sanaroole, waxaana deegaanadaasi ku nool dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato u badan.

Dadka ku dhaqan Ceelwaaq oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalqy saqdii dhexe ay maqlayeen jugta Gantaalo dhawaq culus oo ku dhacaya deegaanada hoos yimaada Ceelwaaq, walow aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha diyaaradaha Kenya geysteen oo la sheegay iney joog hoose ku socdeen.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka maamulka degmada Ceelwaaq oo la xiriirta duqeynta diyaaradaha dowladda Kenya ka geysteen Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya waxaana duqeyntaan ay imaaneysa, xili maalin ka hor qarax ka dhacay Ceelwaaq oo lala eegtay ciidamada Kenya ay ku dhinteen saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya, islanarkaana ay ku dhaawacmeen lix kale, waxaana qaraxaasi sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]