4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 24, 2021
Faahfaahin ku saabsan Qarax ismiidaamin ah oo maanta Muqdisho ka dhacay
 

Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Qarax is-miidaamin oo uu geystay qof iskusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ahayd inta u dhaxaysa isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ayaa halkaasi waxaa degen saraakiil sar sare oo katirsan ciiddanka booliis Soomaaliya.

Sida uu sheegay Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan, ma jiraan wax khasaare ah oo geystay qaraxaan, marka laga reebo qofkii ismiidaamiyay.

"24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii haliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa qaribay." ayuu yidhi Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Alshabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay xoojiyay weerarada ismiidaaminta ee goobaha askarta dowladdu ka sugan yihiin.

Bartamihii bishaan ayay ahayd markii qarax ismiidaamin ah oo  ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ay ku dhinteen 11 qof oo isugu jira askar iyo shacab.

Goobta weerarka uu ka dhacay ayaa ahayd maqaayad laga cunteeyo oo ku dhow xerada tababarka ciiddamada ee General Dhego badan. Waxaana ka dambeeyay Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online