4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 24, 2021
Wasiirka Qorsheynta Federaalka oo Dhahar ka dhagax dhiggay garoon diyaaradeed
 

Jimco, September, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan  oo ku sugan Dhahar ayaa maanta dhagax dhiggay garoon diyaaradeed oo ay yeelanayso Dhahar, kaa horey sahmin loogu sameeyay.

Wuxuu sidoo kale dhagax dhiggay mashruuc lagu dhammeystirayo  garoon kubadda cagta ah, dib u dhiska xarumo waxbarasho , dhagax dhigga xarunta agoonta iyo machadka shareecada.

Mashaariicdan wuxuu ku sheegay inay noqon doonaan kuwo sida ugu dhaqsaha badan u hirgala, isagoo Bulshada deegaanka ugu baaqay inay ka qeybqaataan dadaallada horumarineed ee Dhahar.

Wasiir Jamaal Maxamed, oo sidoo kale ah Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka oo laga soo doorto degmada Dhahar ayaa inta uu ku suganyahay deegaanka, wuxuu sheegay in mashaariic kale uu dhagax dhiggaya, isagoo sidoo kale kullamo la qaadana waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]