4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 23, 2021
Gaadiidleey careysan oo xayirtay isku socodka Wadooyinka magaalada Baledweyne
 

Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Gaadiidley ka careysan Canshuur kordhin ay ku sameeyeen maamulka gobolka Hiiraan ayaa goordhaw kala xiray isku socodka Gaadiidka isticmaala wadooyinka magaalada Baledweyne.

Gaadiidleyda ayaa wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Baledweyne ku dhex jaray gaadiid ay wateen sida goobaha canshuurta looga qaado ee jagboontiyada Buundaweyn iyo Horseed ee xaafada Nuur Xawaad ee magaalada Baledweyne.

Cabdinasir Cali Cumar oo ah guddoomiyaha gaadiidleyda gobolka Hiiraan ayaa Shabakadda HOL u sheegay iney xirteen wadooyinka muhiimka ah oo ay gaadiidkooda ku jareen kadib markii maamulka uu ku kordhiyay canshuur oo uu sheegay ineysan awoodin bixinteeda.

"Waxaan wadada u xiranay in cabashadeena wax laga qabto maadaama maamulka uu inagu kordhiyay lacag xad dhaaf ah oo aanan awood u laheyn inaan bixino, $40 ayaa calaa baabuur maamulka naga qaadi jiray waxuuna nagu soo dalacay $40 kale taasoo ka dhigeysa calaa baabuur $80 dollar marka waa waxaanan u adkeysan waynay cadaalad darada intaas dhan" ayuu yiri guddoomiyaha gaadiidleyda gobolka Hiiraan.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Hiiraan oo ku saabsan cabashada gaadiidleyda xiratay wadooyinka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]