4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 22, 2021
Taliyihii hore ee NISA ee Soomaaliya oo Muqdisho ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo taliyayaasha ciiddamada
 

Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa durba bilaabay inuu kulan la qaato qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dalka iyo taliyaasha ciidamada.

Kulan saacado qaatay ayaa lagu qabtay hoyga Fahad Yaasiin oo ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay ku sugnaayeen taliyayaal ciidan oo ay ka mid yihiin Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, ku simaha Taliyaha NISA iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa dhaliyay tuhun ah in Fahad Yaasiin uu weli awood weyn ku dhex leeyahay hay’adaha dowladda, gaar ahaan laamaha amniga oo weli u muuqda kuwo ku shaqeeya amarkiisa.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa iyaguna shaki ka qaba in Fahad Yaasiin oo shalay Muqdisho ku soo laabtay uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Taliyihii hore ee NISA haatana ah Lataliyaha amniga qaranka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku eedeysan kiiska Ikraan Tahliil ayaan weli ka hadlin arrintaas, balse warbixinta uu shirka guddiga amniga qaranka kusoo bandhigayo ayaa ah mid aad loo wada sugayo.

Wasiirka amniga gudaha ee uu magacaabay raysal wasaare Rooble, Cabdulllaahi Maxamed Nuur ayaa shalay la kulmay Qaali Maxamuud  oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax.

Qaali Maxamuud oo ah hooyada Ikraan ayaa ka codsatay Wasiirka inuu u oggolaado inay qabtaan bannaanbax nabadeed oo ujeedkiisu yahay u doodista caddaaladda gabadhooda.

Wasiirka amniga gudaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay qoyska ayna la qeybsaneyso murugada iyo rafaadka ay qoysku u marayaan in ay caddaalad helaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online