4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 22, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo lagu qaaday degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo
 

Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen Saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay iney maqlayeen jugta tiro madaafiic ah oo ku dhacday Saldhiga ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin degmadaasi, inkastoo ay sheegeen ineysan garaneen khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaafiicda ah.

Al-shabaab oo ka hadashay weerarka madaafiicda ah ay ku qaadeen Saldhiga ciidanka Kenya ee degmada Ceelwaaq, waxay sheegteen in madaafiicdooda ay ku dhaceen gudaha xerada ciidamada Kenya ayna geysteen khasaaro xoogan oo gaaray ciidamada Kenya, walow aysan jirin warar kale oo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka taliska ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ee ku sugan degmada Ceelwaaq oo la xiriira weerarka madaafiicda ah ee lala beegsaday saldhiga ciidamada Kenya ee degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]