4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 22, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
 

Arbaco, September, 22, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyey Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu kaga hadlay Geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, Xakamaynta iyo ka soo kabashada cudurka COVID-19, Dardar gelinta iyo dib u habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammaystirka geeddi-socodka doorashooyinka Qaran ee ka socda dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka miro dhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho xor ah oo loo wada dhan yahay.

“Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed" ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dadaallada wax ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen xakamaynta Cudurka safmarka ah ee COVID-19, ka-soo-kabashada saameynta dhaqaale ee uu reebay iyo sidii dhammaan shacabka Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa tallaalka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay Cudurkan Safmarkan ee u soo tallaabay dalkayaga. Qorsheyaashayadu waa kuwo mudnaanta koowaad siinaya badqabka caafimaad ee muwaadiniinteenna" ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray dardar gelinta iyo dib u habaynta qaab dhismeedka maamul ee Qaramada Midoobay, khatarta ku gadaaman isbeddellada cimilada adduunka iyo ilaalinta deegaanka, ayaa hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaarmay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si wadajir ah looga jawaabo caqabadaha khatarta ku ah Caalamka oo dhan.




Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]