4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 21, 2021
Hay'ada Caymiska Somaliland oo shaqadii laga joojiyay
 

Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Golaha wakiilada Somaliland ayaa shaqadii ka joojiyay Hay'ada Caymiska Somaliland, oo ay sheegeen in sababo sharci awgeed shaqada hay'ada hakad loo galiyay.

Guddida dhaqalaaha ee golaha wakiilada Somaliland ayaa soo gudbiyay mooshin sharci oo ay ku dalbanayaan, in golohu hakad galiyo dhamaan shaqooyinka ay qabato hay'ada caymisku, sababo la xidhiidha sharciyada hay'ada oo aan wali dhamaystirnayn owgeed.

"Mudanayaasha soo jeediyay mooshinku waa 20 mudane, waxaana xeer hoosaadku qorayaa in 11 xildhibaan soo gudbin karaan, 20 kii mudane 1 xildhibaan baa maqan 19 ayaa jooga sidaa ayuu ansax ku yahay mooshinku" guddoomiyaha golaha wakiilada oo sharaxaad golaha kasiiyay xildhibaannada mooshinka soo gudbiyay ayaa sidaa yidhi.

Guddoomiyaha ayaa cod galiyay mooshinka ay guddida dhaqaalahu ku codsadeen in la hakiyo dhamaan shaqooyinka Hay'ada Caymiska Somaliland, isla markaana golaha ayaa ogolaaday soo jeedinta guddida.

"Mudanayaasha golaha fadhiyay waa 51, mudanayaasha ogolaaday mooshinka sharci ee ay soo jeediyeen 19 mudane waa 43, mudanayaasha diiday waa 5, mudanayaasha ka aamusanayna waa 2,  guddoomiyhuna ma codayn sidaasuna ku anasaxay mooshinkaa sharci" guddoomiye Cabdirisaaq ayaa sida yidhi.

Hay'ada caymiska ee shaqada laga joojiyay ayaa 15 bishan gaadiidlayda ka shaqeeya Dekedda Berbera iyo baabuurta laga soo dajiyo dekeda kusoo rogay caymis.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]