4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 21, 2021
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Qoyska Ikraan Tahliil
 

Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa maanta Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax iyo xubno kale oo ka tirsana qoyska Ikraan Tahliil.

Wasiirka amniga iyo qoyska Ikraan Tahliil ayaa ka wada hadlay sidii cadaalad ay u heli laheyd Ikraan tahliil oo ay sheegeen qoyska iney ku tabayaan gacanta hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Xubnaha ka socday qoyska Ikraan Tahliil oo ay horkaceysay hooyada dhashay Ikraan ayaa waasiirka amniga gudaha waxay ka codsadeen inuu u fasaxo banaanbax nabadeed oo ay ku doonayaan cadaalad u helida gabadhooda iney dhigteen, wasiirka ayaana ka aqbalay codsiga ay usoo gudbisteen qoyska Ikraan Tahliil.

Cabdullaahi Maxamed Nuur wasiirka amniga ayaa ugu horeyntii uu sheegay qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil inuu la qeybsanayo murugada gabadhooda, islamarkaana uu ka xun yahay dhibaatada ku dhacday qoyska.

"Waxaan marka hore cadeynaya inaan ka xumahay dhibaatada gaartay Ikraan Tahliil intaa kadib waxaan cadeynaya inaad fasax u tahiin inaad dhigataan banaanbax nabadeed iyadoo muwaadin kasta xaq u lehayay inuu dhigto banaanbax nabadeed sida ku cad Dastuurka dalka qodobkiisa 20-aad, laakiin waxaan idinka idiin sheegaya in banaanbaxa uusan noqonin mid wax u dhima xaquuqda muwaadinka iyadoo la raadibnaayo xaquuq kale, waa inuusan banaanbaxa noqon mid wax lagu haleeyo sida in taayaro la gubo iyo in dukaamada iyo gaadiidka muraayadaha laga jabin oo si nabdoon uu ku dhaco" ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in cidii hor istaagta banaanbaxaasi nabadeed ee uu u fasaxay qoyska Ikraan Tahliil aysan waxba ka duwanaan doonin dadka lagu tuhunsan yahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]