4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 21, 2021
Wararkii ugu dambeeyay waan waanta laga dhex bilaabayo madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble
 

Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in markale dhexdhexaadin laga dhex bilaabay labada masuul ee ugu sareysa dalka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waan waantan dib looga dhex bilaabay Farmaajo iyo Rooble ayaa waxaa la sheegay iney wadaan guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal, madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ilaa shan wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble ayaa khilaafkooda waxa uu salka ku haya isfaham waa xoogan oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd gabar ka tirsaneyd NISA oo ay hay'adda NISA sheegtay iney gabadhaasi dileen Al-shabaab, islamarkaana shabaab arinkaasi ay ku tilmaameen waxba kama jiraan.

Waxii ka dambeeyay marka ay NISA shaacisay dhimashada Ikraan Tahliil, waxaa ka dhex abuurmay madaxda dalka khilaaf noocii ugu darnaa iyo waraaqado xilka qaadis iyo xil magacaabis kasoo kala baxaayay labada masuul taaso cirka kusii shareereysay marba marka ka dambeeysa khilaafka labada dhinac.

Waan waantan markale laga dhex bilaabay Farmaajo iyo Rooble ayaa imaaneysa xili madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed iyo Galmudug ay ugu fashilmeen iskudayo ay ku doonayeen iney ku dhameeyaan khilaafka xoogan ee u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble, waxayna waan waantan noqoneysa tii labaad ee lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafka labada masuul oo la sheegay in mid walba uu ku adkeysanayo go'aankiisa inuu hirgalo taasoo sii adkeyneysa in heshiis laga gaaro khilaafka labada dhinac.

Dhinaca kale markii ay soo shaac baxeen wararkan sheegaya in markale waan waan laga dhex bilaabay madaxweyne farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble ayaa waxaa arinkaasi ka hadlay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay inuu boggaadinaayo waan waanta la doonayo in markale laga dhex bilaabo madaxda dalka, islamarkaana sheegay inaan gorgortan laga galin kiiska cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil.

"Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo. Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo xagal daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in RW uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa horay uga dalbaday madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble iney dhexdooda dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya si dalka horay ugu socdo oo ay u qabsoonto doorashada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]