4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 21, 2021
Wararkii ugu dambeeyay iskuday afgambi dhicisoobay oo ka dhacay dalka Suudaan
 

Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in dowladda dalkaasi ay ka badbaaday barqanimadii maanta isku day lagu doonayay in lagu afgambiyo, kaaso dhicisoobay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda dalka Suudaan ayaa sheegay in ciidamo aan tiradooda la sheegin oo ka tirsan ciidanka gaashaaman ay ka dambeeyeen isku daygaas oo ay isku dayeen in ay la wareegaan dhowr xarumood oo dowladda ah, balse ay ku hakadeen waddooyinkii ay ku socdeen.

Wakaaladda Wararka ee dalka Suudaan ayaa barteeda twitter -ka ku soo qortay in masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada iyo golaha wasiirada dalka ay sheegeen in laamaha amaanka iyo ciidamada Militariga dalka ay ka hortageen qorshaha iskudayga afgambi ee dhicisoobay barqanimadii maanta.

War qoraal ah oo uu bartiisa Facebook kusoo qoray Afhayeenka Golaha KMG ee haya talada dalkaasi Suudaan ayaa ugu baaqay shacabka reer Suudaan iney isku soo baxaan si ay u difaacaan dowladda dalka Suudaan.

Wali faahfaahin rasmi ah oo buuxda lagama helin cida hoggaamineysay iskudayga afgambi ee dhicisoobay ee barqanimadii maanta lagu doonayay in lagu afgambiyo dowladda Suudaan, waxaana maanta dalkaasi aad looga hadal haya dhacdada fashilntay ee afgambiga ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]