4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 21, 2021
Liiska Musharaxiinta Kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi oo lasoo saaray
 

Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah loo soo saaray Liiska Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland oo ay si wadajir ah usoo xuleen guddoomiyaha Aqalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Liiska Musharaxiinta gobolada Waqooyi oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa kasoo dhex muuqday masuuliyiin caan ah oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac iyo guddoomiyahii hore ee Maxkamada sare Ibraahin Iidle Suleymaan.

Liiska Musharaxiinta Aqalka sare ee maanta lagu wareejiyay Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa kasoo dhex muuqday ilaa todobo Musharax oo haween.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ee Facebook ayaa lagu shaaciyay in Raysal wasaaraha uu guddoomay liiska Musharaxiinta ku tartami doonta kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed" ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay bogga Raysal wasaare Rooble.

Hoos ka akhriso magacyada Liiska Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta gobolada Waqooyi:-



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]