4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 20, 2021
Raysal wasaare Rooble oo la kulmay ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Aqalka sare
 

Isniin, September, 20, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi,
Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmad.

Raysal wasaare Rooble ayaa masuuliyiinta hageysa doorashada gobolada Waqooyi kala hadlay iney soo gudbiyaan liiska Musharaxiinta ku tartamaysa kuraasta 11-ka ah ee xubnaha ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

"Iyadoo uu heer gebogebo ah marayo u diyaar garowga doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland), ayuu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la kulmay  Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay in ay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, isagoo u xaqiijiyay in uu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu soo daabacay bogga Internet-ka ee Xafiiska raysal wasaare Rooble.

Kulankaan ayaa imaanaya xili shalay galinkii dambe guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Guuleed Shalay galinkii dambe ay soo saareen habraaca doorashada Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo liiska Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare ee Somaliland ayaa sheegaya in labada masuul ay saacadaha soo socda soo saari doonaan liiska Musharaxiinta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]