4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 20, 2021
Maxkamadda ICJ oo dowladda Soomaaliya ku wargalisay waqtiga lagu dhawaaqayo xukunka dacwadda Badda
 

Isniin, September, 20, 2021 (HOL) - Maxkamada caddaalada adduunka ayaa sheegtay in xukunka kiiska dacwadda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ay ku dhawaaqi doonto 12 ka bisha Octobar ee sannadkan.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay farxad u tahay in lagusoo wargaliyo xukunka goorta uu dhacayo.

“Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,” ayuu yiri Mahdi Guled.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Dubbe, ayaa isna yiri, " 3 todobaad kaddib Maxkamadda Caddalaadda Adduunku waxay ku dhawaaqi doontaa go’aankii la’ wada sugayey ee kiiska Badda Soomaaliya. Indhaheena iyo dhegeheenuba waxay eegayaan waddanka Holland iyo 12ka October."

Dowladda Soomaaliya ayaa rajo weyn ka qabta in ay ku guulaysan doonto dacwadda maxkamadda ICJ, waxayna u aragtaa qeyb kamid ah qaranimada Soomaaliyeed oo dib loosoo celiyay.

Bishii march ee Sannadkan maxkamadda ayaa soo gabagabaysay dhegaysiga dacwadda, inkastoo ay dowladda Kenya ay ka biyo diiday in ay ka qeyb gasho dacwadda badda.

Dacwadda badda ayaa soo bilaabatay sannadkii 2014 xilligii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud. Tan iyo xilligaas maxkamadda ayaa dib u dhigaysay in dacwadda la qaado.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online