4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 20, 2021
Ciidamo Booliis ah oo goordhaw xiray isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Baledweyne
 

Isniin, September, 20, 2021 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska ku sugan magaalada Baledweyne ayaa goordhaw xirtay wadada ugu muhiimsan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Baledweyne.

Ciidamadaan oo ahaa kuwa aad u careysan ayaa rasaas ku kala ceyrinaayay dadka iyo gaadiidka isticmaalayay wadada laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka guud ee magaalada Baledweyne.

Majirto ilaa hada war rasmi ah oo cadeynaya sababta ka dambeysa in ciidamadaan ka tirsan Booliiska ay xirtaan wadada laamiga ah, balse wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadaan ay ka gadoodsan yihiin Mushaar la'aan soo wajahday.

Maha ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamo ka tirsan kuwa Hirshabeelle ay xirteen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Baledweyne, iyaga oo ka cabanaya Mushaar la,aan heyso.

lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]