Habraaca Doorashada kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi oo lasoo saaray

 

Axad, September, 19, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw lasoo bandhigay habraaca doorashada kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ku matalaya Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

newsinsideRaysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si wadajir ah usoo saaray habraaca doorashada kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi.

Labada masuul ayaa sidoo kale sheegay iney soo saari doonaan liiska Musharaxiinta Aqalka sare, islamarkaana ay ku wareejin doonaan guddiga doorashooyin ee gobolada Waqooyi.

Hoos ka akhriso habraaca doorashada oo faahfaahsan:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]