4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 19, 2021
Kursigii lixaad ee doorashada kuraasta Aqalka sare oo goordhaw loogu doortay magaalada Jowhar Ganacsade Xasan Kobac
 

Axad, September, 19, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu soo gabagabeeyay magaalada Jowhar doorashada mid ka mid ah kuraasta sideeda ah ee Aqalka sare oo deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle.

Xasan Iidoow Muxumed oo loo yaqaano Xasan Kobac ayaa ku guuleystay doorashadii galabta isagoo helay codad gaara 69 Cod, halka Cabdinuur Ibraahin Nuur oo la tartamayna uu helay 22 Cod, waxaana kursigaas doorashadiisa ka tanaasulay Axmed Cismaan Macow oo ahaa Senatarkii horay ugu fadhiyay kursigaas afartii sano ee lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee kursigan maanta lagu doortay Xasan Kobac ayaa waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay uu ahaa mid murum xoogan ka taagnaa doorashadiisa, kadib markii musharaxiinta kala ahaa Cismaan Axmed Mocow iyo Cabdinuur Ibraahin Nuur ay sheegeen in kursiga doorashadiisa ay faragelin ku hayeen madaxda Hirshabeelle, kaasoo ugu dambeyn maanta uu ku guuleystay shaqsigii horay loogu saadaalinaayay inuu kusoo baxi doono kursiga maanta loo doortay Xasan Iidoow Muxumed, Xasan Kobac.

Gabagabadii Senatar Xassan Iidoow Koboc ayaa noqonaya Senatarkii lixaad ee lagu doorto magaalada Jowhar tan iyo markii doorashada kuraasta Aqalka sare ay ka bilaabatay Jowhar 14-kii bishaan Septembar, waxaana haray doorashada laba ka mid ah kuraasta aqalka sare oo guud ahaan ka kooban sideed kursi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]