4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 19, 2021
Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka hadlay doorashadii Xalay buuqa kusoo dhamaatay iyo tan maanta dhaceysa
 

Axad, September, 19, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa faahfaahin ka bixiyay buuqii iyo fowdadii Xalay ka dhacday hoolka ay ka socotay doorashada Aqalka sare ee magaalada Jowhar.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in maanta la dhameystiri doono doorashada kursigii xalay fowdad iyo buuqa kusoo idlaaday iyo waliba labada kursi ee kale ee ka dhineed sideeda kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

"Xildhibaano tiro yar ayaa sameeyay buuq iyo fowdo waxayna aheyd arintasi dhibaatoyinka ugu yar yar ee dhaca, iyagana waxa arintoda hadda gacanta ku haayo guddiga anshaxa oo la xisaabtamaya, umana maleynayo iney maanta ka qeyb gali doonan doorashada dhaceysa" ayuu yiri guddoomiye Siraaji.

Doorashada Hirshabeelle ee kuraasta Aqalka sare ayaa afartii kursi ee ugu horeysay waxay ku dhaceen hanaan buuq la'aan ah, waxaana soo baxayay waxii ka dambeyay cabasho ka imaaneysay qaar ka mid ah Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka sare, iyadoo ay jirto Musharaxiin Muqdisho dib ugu laabtay oo shaaciyay in kursiga ay ku tartami lahayeen ay soo faragaliyeen madaxda Hirshabeelle, islamarkaana dil loogu hanjabay taaso keentay iney Jowhar isaga soo cararaan waa sidey sheegteene.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]