4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2021
Madaxtooyada Soomaaliya oo dib u dhigtay shirkii guddiga amniga qaranka oo lagusoo bandhigi lahaa kiiska Ikraan Tahliil
 

Sabti, September, 18, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo dhigay shirkii guddiga amniga qaranka oo loo balansanaa sabtidii maanta, si ay hay’adda NISA usoo bandhigto warbixinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkaas dib loo dhigay illaa amar dambe islamarkaana madaxtooyadu dib kasoo sheegi doonto goorta la qaban doono.

Lama garanayo sababaha keenay in shirka dib loo dhigo, xilli shacabka Soomaaliyeed ay aad u sugayeen warbixinta hay’adda NISA laga sugayo in ay soo bandhigto oo ku saabsan xaqiiqda kiiska Ikraan.

Taliyihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo hadda ah la taliyaha amniga qaranka, kaasoo aan weli la hubin inuu Muqdisho yimid, ayaa loo sababaynayaa dib u dhaca ku yimid shirka guddiga amniga qaranka.

Fahad Yaasiin ayaa horay u balanqaaday inuu shirka guddiga amniga qaranka kusoo bandhigayo warbixinta ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Dib u dhigista shirka guddiga amniga qaranka waxay walaac ku tahay qoyska Ikraan Tahliil oo horeyba madaxtooyada Soomaaliya ugu eedeynayay in ay caddaalada ka weecinayaan kiiska gabadhooda.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online