4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2021
Dowladda Malaysia oo ka hadashay muwaadin dalkeeda u dhashay oo Muqdisho ugu xiran inuu katirsan yahay Alshabaab
 

Sabti, September, 18, 2021 (HOL) - Dowladda Maleysia ayaa maanta markii ugu horraysay ka hadashay muwaadin u dhashay dalkeeda oo la sheegay inuu katirsan yahay Alshabab, kaasoo haatan u xiran dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Malaysia, Saifuddin Abdullah, ayaa sheegay in Ahmad Mustakim Abdul Hamid  lagu eedeeyay in uu soo galay Soomaaliya iyada oo ujeedadiisu ahayd inuu ku biiro kooxda Al-Shabab.

Saifuddin Abdullah waxa uu sheegay in saraakiil ka tirsan Safaaradda Malaysia ee Khartuum, Sudan ay la xiriireen oo ay booqashooyin qunsuliyadeed ku sameeyeen maxbuuska si loo hubiyo in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay lana ilaaliyo daryeelkiisa.

“Safaaradda Malaysia ee Khartoum waxay sii wadi doontaa inay la socoto habsami u socodka kiiskaan waxayna siineysaa kaalmo qunsuliyadeed oo habboon,’ auu yiri Saifuddin Abdullah.

Dowladda Malaysia waxay sheegtay in wakiilkeeda Soomaaliya uu joogi doono Muqdisho  inta dacwaddu socoto si uu ula socdo wixii soo kordha intii uu xiran yahay muwaadinka dalkooda u dhashay.

Maxkamadda ciiddamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dhawaan ninkaan iyo nin kale oo u dhashay UK lasoo taagay, waxaana dhawan eedayntooda lagasoo saari doonaa go’aan maxkamaddeed.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online