4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2021
Midowga Yurub oo war kasoo saaray khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble
 

Sabti, September, 18, 2021 (HOL) - Midowga Yurub oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iney soo gabagabeeyaan khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyay labada masuul maalmahii lasoo dhaafay.

Waxay sidoo kale Midowga Yurub sheegeen in loo baahan yahay inaan la hakinin geedi socodka dadaalada doorashada dalka iyo nabadgalyada, islamarkaana la txigaliyo heshiisyadii horay loo gaaray 27 may.

"Waxay tani fure u tahay bad qabka dadka Soomaaliyeed. Dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolkabaā€¯ Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Midowga Yurub.

Warkaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa imaanaya xili xalay Beesha Caalamka ay dhankooda war kasoo saareen arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan siysaasada cakiran ee u dhaxeeysa madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble.

Waxaa sidoo kale khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble baaqyo kala duwan kasoo saaray Golaha Amaanka Qaramada Midoobay iyo dowladda Mareykanka, kuwaas oo ku wada baaqay in madaxda dalka khilaafka u dhaxeeya ay iyaga dhexdooda xaliyaan, iyagoo u turaya dowladnimada curdinka ah ee Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]