4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2021
Labo kamid ah musharraxiinta aqalka sare ee Hirshabeelle oo sheegay in dil loogu hanjabay
 

Sabti, September, 18, 2021 (HOL) - Labo musharrax oo katirsan musharraxiinta aqalka sare ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay, ayaa diiday in ay ka qeyb galaan doorashada ka socota Jowhar, iyagoo sheegay in lagu sameeyay handadaad dil.

Musharraxiintan oo lagu kala magacaabo, Cusmaan Axmed Macow iyo Cabdinuur Ibraahim Nuur, ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Hirshabeelle oo ka garab ka helaya madaxweynaha Hirshabeelle in uu ololaynayo Xasan Iidow Maxamed (Kobac) oo ah musharrax kula jira kursiga ay ku tartamayaan.

Cabdinuur Ibraahim Nuur oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay kasoo carareen Jowhar, iyagoo amnigooda u baqaya, wuxuuna sheegay in ay codsanayaan in baaritaan lagu sameeyo handadaada uu sheegay in loo geystay, ayna helaan caddaalad.

Wuxuu codsaday in aan la qaban doorashada kursigooda, illaa iyo inta laga helayo cid damaanad qaada ammaankooda islamarkaana laga xaqiijiinayo in doorashadu u dhacayso qaab caddaalad ah.



Dhinaca kale, guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle oo ka jawaabayay cabashada musharraxiintan, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay cabashadooda.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in ay wada tashi dheer ka yeesheen cabashadooda, iyagoo sheegay in aysan jirin hal qodob oo kamid ah habraaca doorashada oo la jebiyay.

Guddiga doorashada waxay sheegeen in doorashada kursigan dib loo dhigay illaa iyo maalinta axada ee berri ah, waxayna ugu baaqeen musharraxiinta in ay kusoo laabtaan magaalada Jowhar.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online