4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2021
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya
 

Sabti, September, 18, 2021 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wadatashiyo deg-deg ah ka yeeshay xiisadda siyaasadeed ee sii xumaanaysa ee Soomaaliya, taas oo halis gelin karta doorashooyinka qaran.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa golaha ammaanka u gubdiyay warbixin ku saabsan walaaca xooggan ee ay ka qabaan khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya ra'iisul wasaaraha iyo madaxweynaha.

Kulanka ayaa daba socday bayaankii Madaxweyne Farmaajo ee khamiistii uu ku sheegay inuu hakiyay awoodda Ra'iisul Wasaare Rooble ee ah inuu wax magacaabo ama uu eryo mas'uuliyiinta, waana tallaabadii ugu dambeysay ee xiriirkooda sii xumaynaysay.

Danjiraha Britain ee Qaramada Midoobay Barbara Woodward, ayaa sheegtay in xiisada sii kordheysa ay saameyn ku yeelanayso geeddi-socodka doorashada ayna sidoo kale horseedi karto qalalaase amni oo ka imaan kara kooxda Al-Shabab.

Woodward waxay ugu baaqday in golaha ammaanku uu cadaadiska ku saaro ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, in ay  degdeg ugu xalliyaan khilaafkooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online